4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 23, 2018
Gobolka Hiiraan – Mas’uuliyiin xilalkii laga qaaday iyo kuwo kale oo la magacaabay

 

Sabti June, 23, 2018 (HOL)- Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu xilalkii uga qaaday mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan.

Wasiirka ayaa xilkii ka qaaday Duqii Magaalada Beledweyne, waxaana uu xilkaas u magacaabay Cali Cabdulqaadir Faarax.

Waxaa sidoo kale xilkii laga qaaday ku gudoomiye ku xigeenkii Siyaasadda gobolka Hiiraan, waxaana xilkaasi loo magacaabay Xassan Ibraahim Cabdulle.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sidoo kale xilkii ka qaaday gudoomiye ku xigeenkii Arrimaha bulshadda magaalada Beledweyne, waxaana uu xilkaasi u magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Xusseen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]