4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 23, 2018
Taliska ciidamada xoogga dalka oo sheegay in la soo afjaray dagaal beelleed muddo dheer soo socday

 

Sabti June, 23, 2018 (HOL)-Taliska ciidamada xoogga dalka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in la soo afjray colaad ku dhawaad Labo sano ka taageyd deegaanno u dhaxeeya degmooyinka Maxaas iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan G/sare Faarax Kooshin ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in la kala qaado maleeshiyaadkii labada dhinac oo muddo dheerba iska soo hor fadhiyay, isaga oo intaa ku daray in amar ay ku fara-galiyeen colaada labada beellood uu bixiyay taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

‘’Colaadan waxa hurinaya waa Al-shabaab oo hadba labada beellood isku diraya, sidoo kale waxaa jira dad la garanayo oo ku kala nool labada gobol Hiiraan iyo Galguduud oo colaada hurinya, waxaa uga digeynaa arintaa, haddii aysan ka waantoobinna waxaa inoo furan in aan gacanta ku dhigno shaqsiyaadkaa’’ ayuu yiri.

Labadan beellood oo marar badan leysku dayay in la xalinayo colaada u dhaxeysa ayeey ku guul-dareysteen odayaasha dhaqana gobollada Hiiraan iyo Galguduud oo ay labadan beellood ka soo kala jeedaan.

Hasse ahaatee waxaa hadda muuqata in taliskan militariga uu soo fara-galiyay colaada labada dhinac.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]