4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 23, 2018
Spain oo la wareegaysa howlgalka la dagaalanka Burcadbadeeda

 

Sabti June, 23, 2018 (HOL)- Spain ayaa lagu wadaa in ay la wareegto taliska Britain ee howlgalka badda ee Midowga Yurub ee la dagaallanka burcad-badeedda Soomaalida sannadka soo socda .

Saraakiil ka tirsan Midowga Yurub ayaa xaqiijiyay in dowladda Spain ay si weyn u daneynso in ay la wareegto howlgalkaasi si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida.

Xukuumadda Madrid ay raadineysa kaalin milliteri oo ballaaran ka dib markii dowladda UK ay ka baxday Midowga Yurub.

Wasiirka Difaaca dowladda dowladda Spain ayaa kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan Midowga Yurub, waxaana uu ka codsaday in dowladda Spain lagu wareejiyo Booskii ay ka baxday dowladda UK.

Dowladda Britain ayaa ka baxday Midowga Yurub, waxaana ay ka qeyb ka aheyd howlgalka la dagaalanka Burcadbadeeda ee ka socda Soomaaliya.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]