4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 21, 2018
Dowladda Soomaaliya oo dood ka keentay habka deeq bixiyayaasha u gargaaraan Somaliland

 

Khamiis, June, 21, 2018 (HOL) - War qoraal ah oo u muuqday in loogu tala-galin warbaahinta laakiin ka soo baxay wasaaradda Qorsheynta ayeey dowladda Soomaaliya uga dalbatay beesha caalamka in aan la cusbooneysiin karin nidaamka gaarka ah ee Beesha Caalamka ku taageeri jiray Somaliland.

Nidaamkan oo loogu magac daray (Special Arrangement) ayaa la bilaabay sanadkii 2013, xilligaasoo lagu saxiixay shirkii New Deal-ka ee ka dhacay magaalada Brussels.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiiskaa la galay sanadkii 2013ka uu yahay mid waqtigiisii dhacay, islamarkaana Soomaaliya hadda yeelatay qorshe Qaran sidaa daraadeed aysan jirin sabab loogu sii baahnaado in uu heshiiskaa sii shaqeeyo.

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Xassan Maxamed oo diiday in uu warbaahinta la hadlo ayaa laakiin dhinaca kale Laaanta VOA u xaqiijiyay in qoraalka lagu baahiyay warbaahinta uu yahay mid rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda.

War qoraal ah oo dhinaca kale ka soo baxay beesha caalamka gaar ahaan deeq bixiyayaasha ayaa dowladda Soomaaliya looga dalbaday taageerada nidaamka gaar ah ee lagu gargaaro Somaliland iyo in dib loo cusbooneysiiyo heshiiskaa hore.

Waa markii ugu horeysay oo dowladda Soomaaliya ay soo hadal qaado qorshaha caalamku uu ku kaalmeeyo Somaliland oo qeyb ka ah heshiiskii New Deal-ka e ka soo baxay shirkii Brussels sanadkii 2013, hasse ahaatee Somaliland si rasmi ah ugama aysan hadal arintan.

Qoraalka Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya

 

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]