4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 21, 2018
Golaha wasiirrada Puntland oo ku dhawaaqay 'heegan dib-u-xoreyn'

 

Khamiis, June, 21, 2018 (HOL) - Golaha wasiirrada Puntland oo warbixin ka dhageystay wasaaradda amniga ayaa ku dhawaaqay Puntland inay gashay wax loogu yeeray 'heegan dibu-xoreyn iyo soo celinta xuduuddaha dastuuriga ah .

Shirkan oo u guddoomiyay madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Gaas waxaa la faray shacabka inay gacan mugleh siiyaan ciidammada , kuwaas oo la sheegay inay u taaganyihiin sugidda amniga iyo xasiloonida.

"Goluhu waxay caddeeyeen in dalku galay heegan dibu-xoreyn ah iyo soo celinta xuduuddaha dastuuriga ah ee Puntland." ayaa lugu yiri war qoraal ah oo looga hadlay shirka wasiirrada oo ka mid ah kulamadii khamiislaha ahaa ee wasiirradu ay yeeshaan isbuuc walba.

Heegan waxaa ay wasiirrada ku dhawaaqeen xilli ay wali taagantahay xiisada u dhaxeysa Puntland iyo Soomaaliland oo toddobadyadii u dambeeyay dhowr mar ku dagaallamay deegaanka Tukaraq, halkaas oo ay ku suganyihiin ciidammada Soomaaliland.

Iman Jama