4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 21, 2018
Kismaayo: Askari ku eedeeysnaa dilka qof shacab ah oo xukun dil ah lagu riday
Khamiis, June, 21, 2018 (HOL) - C/rashiid Xasan Axmed (Sandheere) oo ay da’diisu tahay 25 sano jir, kana tirsanaa ciidanka Booliska Jubbaland ayaa ku eedeysnaa in 12-ka Bisha May ee sanadkan uu dil bareer ah u geystay nin shacab ah oo lagu macaabi jiray Marxuum Max’ed C/laahi Xirsi.

Qaar kamid ah marqaatiyeyaashii goob-joogga ka ahaa goobtii uu dilka ka dhacay ayaa maxkamadda ka hor qiray in eedeeysanuhu uu si bareer ah xabad ugu dhuftay Marxuum C/laahi Xirsi, kadib muran dhex maray.

Xeer ilaaliyaha maxakamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland Mawliid Axmed Yaasiin ayaa goobta ka aqriyay dacwadda loo heysto eedeeysanaha iyo cadeeymaha lasoo bandhigay, isagoo maxkamadda ka codsaday in sharciga la marsiiyo eedeeysanaha.

Gudoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ee Jubbaland Bashiir Max’uud Xareed ayaa aqriyay go’aanka maxkamadda, isagoo xusay in eedeeysane C/rashiid Xasan Axmed ay maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah, isagoo sheegay in ehelka iyo qareenada eedeeysanuhu ay xaq u leeyihiin in ay racfaan ka qaataan go’aanka maxkamadda.

Dhawaan ayay ahayd markii isla maxkamaddan lasoo taagay askari lagu magacaabo C/laahi Asad Ismaaciil kaa oo ku eedeeysnaa in uu toogasho ku dilay Xaaskiisa, askarigaa oo ay maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho, wallow ehelka marxuumka ay maxkamaddu u ogolaatay racfaan ay ka qaateen xukunka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.