3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 21, 2018
Madaxweynaha Soomaaliya oo anbabaxay magaalada Addis Ababa

 

Khamiis, June, 21, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay kaga qeyb geli doonaan Shir Madaxeed deg-deg ah oo waddamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD, hoggaanka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey ay kaga arrinsanayaan xasilinta dalka Koonfurta Suudaan.

Hoggaamiyeyaasha 8da dal ee ku mideysan Ururka IGAD ayaa muddo hal maalin ah oo shirka socanayo, waxa ay dib u eegis ku sameyn doonaan qorsheyaasha lagu guuleystay ee ku saabsan dib-u-soo celinta nabadda Koonfurta Suudaan, qodobadii laga fuliyey heshiisyadii horey ay u kala saxiixdeen dhinacyadii ku dagaallamay dalkaas iyo caqabadaha haatan hortaagan in ay ka hana qaaddo xasillooni buuxda.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku wehelinaya shirkan ayaa hor dhigi doona Madaxda dalalka IGAD, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan in la xoojiyo nabad galyada Gobolka, lana soo afjaro dhammaan colaadaha sokeeyo, iyadoona loo marayo is-qancin, isu-tanaasul iyo wada xaajood, si looga gudbo caqabadaha dib-u-dhigay horumarka Qaaradda Afrika.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa qeyb ka ahayd dadaalladii diblumaasiyadeed ee lagu wajahayey colaaddii sokeeye ee ka qaraxday dalkaas dabayaaqadii 2013kii, tan iyo wakhtigaasna Soomaaliya waxa ay kaalin muuqata ka qaadaneysay qorshayaasha iyo shirarka ku saabsan xal u helista dhibaatooyinka dib u dhigay hor-u-socodka Suudaanta Koonfureed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/21/2018 1:43 PM EST
Khamiis, June, 21, 2018 (HOL) – War qoraal ah oo u muuqday in loogu tala-galin warbaahinta laakiin ka soo baxay wasaaradda Qorsheynta ayeey dowladda Soomaaliya uga dalbatay beesha caalamka in aan la cusbooneysiin karin nidaamka gaarka ah ee Beesha Caalamka ku taageeri jiray Somaliland.

6/21/2018 11:48 AM EST
Khamiis, June, 21, 2018 (HOL)-Golaha wasiirrada Puntland oo warbixin ka dhageystay wasaaradda amniga ayaa ku dhawaaqay Puntland inay gashay wax loogu yeeray 'heegan dibu-xoreyn iyo soo celinta xuduuddaha dastuuriga ah .

6/21/2018 9:51 AM EST
Khamiis, June, 21, 2018 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay aan la aqbali doonin wixii hadda ka danbeeya in hawadda Soomaaliya soo gasho diyaarad aan fasax ka heysan laanta hay’adda Duulista Hawadda, kaddib markii ay si rasmi ah ula soo wareegtay maamulka hawadda

6/21/2018 8:23 AM EST
Khamiis, June, 21, 2018 (HOL) - C/rashiid Xasan Axmed (Sandheere) oo ay da’diisu tahay 25 sano jir, kana tirsanaa ciidanka Booliska Jubbaland ayaa ku eedeysnaa in 12-ka Bisha May ee sanadkan uu dil bareer ah u geystay nin shacab ah oo lagu macaabi jiray Marxuum Max’ed C/laahi Xirsi.

6/21/2018 6:00 AM EST
Khamiis, June, 21, 2018 (HOL)-Haweeneydan oo lagu magacaabo Mumina Eroba oo ay Boliiska dalka Kenya madaxeeda dul dhigeen Hal Milyan oo Shilin Bil ka hor ayaa maqribnimadii Talaadada isku dhiibtay laamaha ammaanka ee dalkaasi.

6/21/2018 2:13 AM EST
Khamiis, June, 21, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu si deg deg ah u saxiixi doono dikreeta Madaxweyne taas oo ku saabsan in qoysaska qaxootiga ah iyo carruurtooda aanan la kala geyn oo ay isla joogaan goobaha xudduuda Mexico.

6/21/2018 1:49 AM EST
Khamiis, June, 21, 2018 (HOL) - Kulan ay yeesheen guddoomiyeyaasha 17ka degmo ee gobolka Banaadir oo shir guddoominayey Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa looga hadlay amniga, daadajinta adeegyada asaasiga ah, sidii kor loogu qaadi lahaa ololaha nadaafadda iyo bilic soo celinta magaalada, u-diyaar garowga maalmaha xoriyadda ee foodda nagu soo haya.

6/21/2018 1:47 AM EST
Khamiis, June, 21, 2018 (HOL) - Kulan ay yeesheen guddoomiyeyaasha 17ka degmo ee gobolka Banaadir oo shir guddoominayey Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa looga hadlay amniga, daadajinta adeegyada asaasiga ah, sidii kor loogu qaadi lahaa ololaha nadaafadda iyo bilic soo celinta magaalada, u-diyaar garowga maalmaha xoriyadda ee foodda nagu soo haya.

6/21/2018 1:36 AM EST
Khamiis, June, 21, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku sii jeeda magaaladda AddisAbaba ee dalka Itoobiya, halkaasi oo uu uga qeyb galayo shir aan caadi ahayn oo madaxda waddamada IGAD ay isugu imaanayaan.

6/21/2018 1:10 AM EST
Khamiis, June, 21, 2018 (HOL)-Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo magaalada Oslo kula hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Norway ayaa faah faahin ka bixiyay heshiiskii dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay wada galeen.