4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 21, 2018
Trump oo ka noqday go’aankii carruurta iyo waalidiintooda lagu kala reebayay

 

Khamiis, June, 21, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu si deg deg ah u saxiixi doono dikreeta Madaxweyne taas oo ku saabsan in qoysaska qaxootiga ah iyo carruurtooda aanan la kala geyn oo ay isla joogaan goobaha xudduuda Mexico.

Kal hore xiisad ayaa ka dhalatay markii kumanaan carruur ah laga qaaday waalidiintooda isla markaana la geeyay xarumo gooni ah.

Caalamka ayaa si weyn uga carrooday siyaasada qaxootiga ee dul qaad la’aanata ahi ee madaxweyen Trump, taasi oo ku saabsan in xubanaha qoyska ee wada socda la kala qaybiyo inta dacwaddooda la dhagaysanayo.

Maanta oo khamiis ah ayaa Congress-ka Mareykanka wuxuu u codeynaya xeer socdaalka iyo muhaajiriinta loo dejinayo oo lagu joojinayo in carruurta la gala haro waalidiintooda sida sharcidarrada ahi ku galay gudaha Mareykanka.

Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii dalka gudihiisa iyo dibadduba aad looga carooday sawiradii iyo oohintii ilma yar yar oo meelo ku xiran oo u ooyaya waalidkood oo iyaguna meelo kale lagu hayo iyo Madaxweyne Trump oo diiday in dhaqankaa la joojiyo.

Afhayeenka aqalka Paul Ryan ayaa sheegay in xeerkani cusub uu xal u noqonayo mushkiladan iyo dadka faraha badan ee ku qulqulaya gudaha Mareykanka ee magangelyo doonka iyo tahriibka isugu jira, kuwaa oo keentay in 2,300 carruur ah la gala haro waalidiintooda tan iyo shanti bishii May ee aynu soo dhaafnay.

Waxaa walaac ballaaran laga muujiyay waalidiinta dalka laga dhoofiyo iyagoo aanay la socon carruurtii ay wateen oo laga reebay. Garyaqaannada arrimaha socdaalka ayaa waxay sheegayaan in ay jiraan waalidiin badan oo dalka laga dhoofiyay iyagoo aan ciyaalkoodii la socon, waxaana xitaa jira waalidiin dalka laga dhoofiyay intii aanay helin carruurtoodii.

Xildhibaan John Lewis oo u ololeeya xuquuqda dadka oo ka hadlay shir jaraaid oo ka dhacay washington wuxuu yiri waa in la joojiyaa siyaasadda noocan ah ee lagu kala reebayo carruurta iyo waalidiintooda.

Madaxweyne Trump oo aan wax caddeyn ah iyo daliil u cuskan ayaa sheegay in kumanaan qof aysan ahayn ee malaayiin ay soo gali doonaaan gudaha Mareykanka, waa haddii buu yiri aan tallaabo adag la qaadin.

BBC