Khamiis, June, 21, 2018 (HOL) - Ra’iisal Wasaaraha
Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo magaalada Oslo kula hadlayay Jaaliyadda
Soomaaliyeed ee dalka Norway ayaa faah faahin ka bixiyay heshiiskii dowladaha
Soomaaliya iyo Itoobiya ay wada galeen.
Kheyre ayaa sheegay in ay jiraan sida dad ka soo horjeeda in ay
dowladnimada oo wax walbana siyaasadeeya, waxaana uu intaa ku daray in aysan
jirin Dekaddo la siiyay Itoobiya, balse dekedaha ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inay la kulmeen ra’iisal
wasaaraha Itoobiya, wada hadalna yeesheen, intaasi kadibna ay soo saareen
war-murtiyeed khuseeya kulankooda, balse halkaasi uusan ka dhicin wax heshiis
ah.
“Waxaa jira dad ka soo horjeeda dowladnimada oo
wax walba siyaasadeeya, si ay u carqaleedaayaan dowladnimada, maalmahan waxaan
maqlayay in heshiis lala galay dowladda Itoobiya, annaga wax heshiis ah lama
gelin Itoobiya, ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa inoo yimid, waan soo
dhaweynay, shirkii markuu idlaaday war-murtiyeed baa ka soo baxay, kaas oo ah
in dhaqankii hore wax laga bedelayo, dekeddo aan bixinay ma jiraan, dekedaha
shacabka Soomaaliyeed baa iska leh.” ayuu yiri Khayre.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa habeen ka hor wuxuu TV-ga dowladda kala hadlay shacabka
Soomaaliyeed, isaga oo u faah faahiyay heshiiskii dowladaha Itoobiya iyo
Soomaaliya, balse shacabka weli ma qancin, oo waxaa laabtooda ka guuxaya
hadalkii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, ee ahaa in la mideynayo labada dal.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]