4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 20, 2018
Maxkamada Ciidamada oo xukun dil ah ku riday sarkaal dilay Askari

 

Arbaco, June, 20, 2018 (HOL) – Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda Ciidamada hor keenay dacwad ka dhan ah xidigle xoogga dalka Mowliid Cali Cabdi oo dil bareer ah u geystay Ex, dable Axmed Nuur Xuseen oo ay ka wada tirsanaayeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xeer ilaalinta ayaa soo bandhigay cadeymihii laga qoray eedeysanaha, warqadda dhimashada marxuumka ay qolyaha caafimaadka ku cadeeyeen dhimashada, qorigii lagu dilay iyo laba askari oo goob joog u ahaa falkaasi.

Intaas kaddib ayaa waxaa doodda qaatay Qareenkii difaacayay eedeysanaha, waxaa uu maxkamadda ka hor sheegay in eedeysanaha dambiga geystay uu difaacayay naftiisa isagoo qiil ka dhigay in uu ka da’weynaa, balse ay ka xun yihiin wixii dhacay oo dil ah taa bedelkaadna ay diyaar la yihiin diyada marxuumka.

Garsoorayaasha Maxkamadda oo eegaya eedda xeer ilaalinta, cadeymaha warqadaha dhimashada, markaatiyaasha, Qorigii lagu dilay Marxuumka iyo Qiraalka uu ka hor cadeeyay Maxkamadda aya go’aan ku gaareen In Mowliid Cali Cabdi uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogay, waxa ayna Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Dil-Toogasha ah oo ah Qisaasta Ex, Dable Axmed Nuur Xuseen iyadoo sidoo kale ka xayuubisay Darjadii Ciidan uu lahaa, Sida uu u sheegay Warbaahinta Garsoor G/sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]