4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 20, 2018
Mareykanka oo sheegay in uu isaga baxay xubinimada Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey

 

Arbaco, June,20, 2018 (HOL)- Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inuu isaga baxay Xubinimada Golaha Xuquuqul Insaanka, iyagoo ka carrooday tallaabooyinka Goluhu qaaday ee ka dhanka ah Israa’iil.

Safiirka Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobey Nikki Haley ayaa sheegtay in Golaha Xuquuqda Aadanaha uu yahay mid aan dhex dhexaad aheyn.

Waxaa ay sheegtay in mar walba Goluhu ka dhigtay inuu Israa’iil ka eexdo, iyadoo dhowaan Golaha Xuquuqul Insaanka cambaareeyay xadgudubyada ka dhanka ah Bani’aadanimada ee Israa’iil u geysato dadka Falastiiniyiinta.

Mareykanka ayaa dhowr jeer oo hore codka qayaxan kaga soo horjeestay qaraaro ka dhan ah Israa’iil oo la horgeeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Maamulka Trump ayaa dhowaan u aqoonsaday in magaalada Qudus tahay Caasimadda Israa’iil, isla markaana Safaaradda Mareykanka loo soo raray, waxaana tallaabadaas ka dhashay cambaareyn iyo iyo kacdoono dadka reer Falastiin ay sameeyeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]