4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 20, 2018
K Koonfureed oo sheegtay in Pyongyang aan dhakhsa xayiraadda laga qaadi doonin

 

Arbaco, June,20, 2018 (HOL)- Wasiirka arrimaha dibadda Kuuriyada Koonfureed, Kang Kyung-wha, ayaa sheegtay in xayiraadaha saaran Kuuriyada Woqooyi ay wali sii jiri doonaan tan iyo inta gebi ahaanba dalkaasi uu ka burburinayo hubkiisa niyuukleerka.

Haweeneydan ayaa sheegtay in ay fileyso in Kuuriyada Woqooyi ay qaado tallaabo adag oo ay ku baabi’ineyso hubkeeda niyuukleerka, taa badalkeedana loo xaqiijinayo amnigeeda.

Mareykanka ayaa sidoo kale ku nuux-nuuxsaday inxilli hore aan la khafiifin doonin xayiraadahaasi saaran Kuuriyada Woqooyi.

Kal hore, wakaaladda wararka ee dowladda Pyongyang ayaa sheegtay in madaxweyne Kim Jong-un uu dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping u sheegay waxa ka soo baxay kulankii dhawaan dhex maray isaga iyo Trump.

Maalintii labaad ee socdaalkiisa uu ku joogo Beijing, Kim Jong-un waxa uu ballan qaaday in uu la shaqeeyo dowladda Shiinaha si nabad waarta looga gaaro gacanka Kuuriya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]