Talaado, June, 19, 2018 (HOL )-
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wareysi gaar
ah siinayay TV Qaranka ayaa markii ugu horeysay faah faahin dheeraad ah ka
bixiyay heshiiskii ay wada-gaareen Sabtidii aynu soo dhaafnay ra’iisal
wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo Muqdisho booqasho ku yimid.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay
in asalka heshiiska labada dowladood ahaa mid saleynaa iskaashi, is-ixtiraan
iyo ilaalinta Qarannimada, midnimada iyo madaxbanaannida labada dowladood, isaga oo
bogaadiyay safarkii uu ra’iisal wasaare Abiy ku yimid Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay
in Soomaaliya sanadihii ugu danbeeyay
wadamada dariska ah iyo guud ahaanba caalamka ay ka wada hadli jireen arrimaha
Amniga, hasse ahaatee waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay hadda soo gaartay heer
lagala hadli karo dhaqaale, iskaashi ganacsi iyo maal-gashi taasoo qeyb ka
aheyd sida uu sheegay socdaalkii ra’iisal wasaaraha Itoobya.
Mar uu soo hadal qaaday arrimaha
dekeddaha leysku afgartay in la wada-maalgashado ayuu sheegay in arrintaa wax
weyn ka tari doono kobcinta dhaqaalaha dalka, waxaana uu intaa ku darray in Afar
dekeddood iyo ka badan ay jeclaan lahaayeen in maal-galin lagu sameeyo si loo
faa’ideysto ayuu yiri xeebta dheer Soomaaliya ku teedsan oo ay maraan kumannaan
Maraakiib ah.
Madaxweynaha waxaa uu meesha
saaray in wararka sheegaya in dowladda Soomaaliyeed ku wareejisay dowladda
Itoobiya Dekeddo Soomaaliyeed.
‘’Waxaa jiray Soomaaliya marka
aad eegto dhaqan soo jireen ah oo ah hormar walba lugaha la qabto, dadkana ku
baahiyo warar aan waxba ka jirin , dekeddo Soomaaliyeed oo Itoobiya lagu
wareejiyay ma jiraan Dekeddaha Soomaaliya ayeey ku yaalaan, maal-gashigana
dhinac walba ayuu ka iman karaan, caalamka oo dhan ayaa ka qeybqaadan kara
ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ka qeybqaadan karta, laakiin muhiimadu waxaa ay
tahay Afar Dekedood oo kaliya ma’aha xitaa haddii aan ka badan heli karno wey
waagsan tahay, waayo waxaa ay taa qeyb ka qaadan kartaa kobaca dhaqaalaheena’’
ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynaha ayaa sheegay in
maalgashiga uu u sahli karo dekeddaha Soomaaliya in ay noqdaan kuwo la tartami
kara kuwa caalamka awoodna u yeelan karaan in ay ku soo xirtaan Maraakiibta
waaweyn.
Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xili
maalmihii ugu danbeeyay hadal heyn la xiriirta heshiiska labada dowladood iyo
arinta ku saabsan dekeddaha lagu heshiiyay in la maalgalinayo siweyn dadku iskula dhaxmarayeen.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]