4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 19, 2018
Madaxweyne Gaas oo magacaabay Garyaqaanka guud ee Puntland

 

Talaado, June, 19, 2018 (HOL )- Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Caali (Gaas) ayaa magacaabay Garyaqaanka guud ee Puntland,sida ku cad wareegto goor dhow ka soo baxday xafiiska madaxweynaha.

"Xeer Madaxweyne Lr. 83 June 19 2018, kuna saabsan Magacaabid Garyaqaanka Guud ee a Puntland .. Waxaa Maxamed Yuusuf Maxamuud loo Magacaabay Garyaqaanka Guud ee Dowladda Puntland." ayaa lugu yiri wareegtada.

Magacaabista Garyaqaanka guud ee Puntland, mudane Maxamed Yuusuf Maxamuud ayaa ka dambeysay markii bishii Maarso uu ku geeryooday magaalada Garoowe Garyaqaankii hore ee Puntland, AUN Maxamed Muuse Ismaaciil Muuse.

Iman Jama