3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 19, 2018
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo xoghayaha guud ee QM oo wadajir u daah furay shirka magaalada Oslo


Talaado, June, 19, 2018 (HOL) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Xog-haya guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres iyo Wasiirka arrimaha dibadda Norway Ine Marie Eriksen Søreide, ayaa si wadajir ah uga furay magaalada Oslo Shirka Madasha Oslo oo looga hadlayo dejinta Xasaradaha caalamka.

Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khare oo kulanka khudbad ka jeediay ayaa aad ugu nuux-nuuxdsay sida ay muhiim u tahay in xasaradaha la dejiyo oo nabad loogu wada noolaado dunida oo dhan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre, Xog-haya guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres iyo Wasiirka arrimaha dibadda Norway Ine Marie Eriksen Søreide, ayaa inta uusan shirku furmin waxa ay si warbaahinta kula hadleen afaafka hore ee xarunta uu shirku ka socdo, iyada oo Ra’iisul Wasaare Khaye uu uga mahadceliyay dawladda Nowray casuumaadda shirkaan muhiimka ah.

António Guterres iyo Ine Marie Eriksen Søreide ayaa ku ammaanay Dawladda Soomaaliya shaqada wanaagsan ee ay hayso iyo sidoo kale barnaamijka xukuumadda ee ku dhisan isla xisaabtanka, daah-furnaanta iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa.

Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa qaar kamid ah madaxda kasoo qeyb gashay Madasha Oslo ee dalka Norway.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/19/2018 1:58 PM EST
Talaado, June, 19, 2018 (HOL )- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wareysi gaar ah siinayay TV Qaranka ayaa markii ugu horeysay faah faahin dheeraad ah ka bixiyay heshiiskii ay wada-gaareen Sabtidii aynu soo dhaafnay ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo Muqdisho booqasho ku yimid.

6/19/2018 9:50 AM EST
Talaado, June, 19, 2018 (HOL )- Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya,Ismaaciil Hurrre Buubaa ayaa soo dhaweeyay qodobbadii ka soo baxay wada-hadal ay Sabtidii ku yeesheen magaalada Muqdisho ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed iyo madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

6/19/2018 9:40 AM EST
Talaado, June, 19, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Caali (Gaas) ayaa magacaabay Garyaqaanka guud ee Puntland,sida ku cad wareegto goor dhow ka soo baxday xafiiska madaxweynaha.

6/19/2018 4:35 AM EST
Talaado, June, 19, 2018 (HOL) -Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa soo dhoweeyay heshiiska maalgashiga Afarta Dekedood ee ay Sabtidii la soo dhaafay ay Muqdisho ku wada gaareen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

6/19/2018 2:18 AM EST
Talaado, June, 19, 2018 (HOL)-Shirkan oo ay isugu yimaadeen guddiga amniga Jubbaland islamarkaana ay ka qeybgalayaan saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa furmay shalay gelinkii danbe, waxaana maalintii labaad uu ka socdaa magaalada Kismaayo.

6/19/2018 2:05 AM EST
Talaado, June, 19, 2018 (HOL)-Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa laamaha ammaanka dalkiisaa ku eedeeyay in ay ku kacaan falal argagixiso iyaga oo si sharci darro ah dadka u xira una jir dila.

6/19/2018 1:05 AM EST
Talaado, June, 19, 2018 (HOL)-Dowlada Soomaaliya ayaa maanta gudbisey dukumenti ay uga jawaabeysey eeddo cusub oo ay ku soo dartey jawaabteedii ugu danbeysey ee dacwada badda ee Kenya iyo Soomalia oo hortaala maxkamada caalamiga ah The Hague

6/19/2018 12:46 AM EST
Talaado, June, 19, 2018 (HOL )-Magaalada Oslo ee dalka Norway maanta oo Talaado ah waxaa ka furmaya shirka sanadlaha ah ee madasha Oslo, kaasi oo ay marti gelinayso Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Norway.

6/19/2018 12:41 AM EST
Talaado, June, 19, 2018 (HOL )- Maxkamad ku taalla magaalada Ottowa ee dalka Canada waxa ay ku xukuntay 15 sano oo xabsi ah ku xukuntay Cali Cumar Adeer oo ah muwaadin Soomaaliyeed kadib markii lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa afduub 2008-dii meel u dhaw Muqdisho loogu geystay gabar Wariye aheyd.