4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 19, 2018
Shir looga hadlayo amniga Jubbaland oo maalintii labaad ka socda Kismaayo


Talaado, June, 19, 2018 (HOL)-Shirkan oo ay isugu yimaadeen guddiga amniga Jubbaland islamarkaana ay ka qeybgalayaan saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa furmay shalay gelinkii danbe, waxaana maalintii labaad uu ka socdaa magaalada Kismaayo.

Shirkan oo uu daahfuray madaxweynaha ayaa waxaa gudoominayay madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland Mudane Max'uud Sayid Aadan waxaana diiradda lagu saarayaa ammaanka guud ee Jubbaland iyo howlgallada ka bilowday qeybo ka tirsan Jubooyinka.

Saraakiisha ciidamada Soomaalida iyo kuwa AMISOM ayaa laga dhageystay warbixinno ku saabsan ammaanka iyo howlgalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Jubbaland.

Mid kamid ah golaha wasiirada Jubbaland oo ka tirsan gudiga amniga Jubbaland ayaa HOL u sheegay in shirka diiradda lagu saarayo dardar gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab iyo sidii si wadajir ah looga qeyb-qaadan lahaa howlgalladaasi.

08-dii Bishan June, ayay ahayd markii ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland oo garab ka helaya ciidamada Mareeykanka ee howlgalka ka wada Soomaaliya markii ay la wareegeen deegaanka Baar-zanguuni, halkaa oo ay ka saareen Al-shabaab, waxaana ciidamada Mareeykanka howlgalkaasi looga dilay hal askari, ayadoo sidoo kale ay ka dhaawacmeen 4 kalen.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in Al-shabaab looga dilay howlgallada oo ay bar-bar socdeen duqeeymo ilaa 25 dagaalyahan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.