4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 19, 2018
Abiy Ahmed ‘’ Askarta Itoobiya falal argagixiso ayeey geystaan

 

Talaado, June, 19, 2018 (HOL )- Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa laamaha ammaanka dalkiisaa ku eedeeyay in ay ku kacaan falal argagixiso iyaga oo si sharci darro ah dadka u xira una jir dila.

Kumannaan ruux oo ay ka mid yihiin dad siyaasad u xirnaa ayaa la sii daayay, bishan horraanteediina wuxuu shaqada ka tiray taliyihii ciidammada iyo midkii sirdoonka.

Billo ka hor wax aan la filan karin ayay ahayd in qof masuul ah uu dawladda Itoobiya ku eedeeyo falal argagixiso. Balse arrintaas ayuu hadda ku dhaqaaqay ra'iisulwasaaraha.

Abiy oo baarlamaanka su'aalo ooga jawaabaya ayaa la waydiiyay sababta uu xabsiga uga sii daayay dad argagixiso lagu eedeeyay, Abiy ayaa markaas yiri yaa argagixiso ah marka ciidammadii dawladda loo adeegsanayo in ay dad xilka ku sii hayaan.

Wuxuu sheegay in tuulo kaste oo dalka Itoobiya ku taalla dad lagu jir dilay qolal madawna lagu xiray iyaga oo xiran.

Sannadihii u dambeeyay hay'addaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa dawladda Itoobiya ku eedaynayay in ay gacan bir ah ku hayso mucaaradka saxaafadda xorta ahna caburinayso.

Xigashada Warkan BBC

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]