4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 19, 2018
Soomaaliya oo gudbisay jawaabtii dacwadda Badda ee maxkamada ICJ

 

Talaado, June, 19, 2018 (HOL )- Dowlada Soomaaliya ayaa maanta gudbisey dukumenti ay uga jawaabeysey eeddo cusub oo ay ku soo dartey jawaabteedii ugu danbeysey ee dacwada badda ee Kenya iyo Soomalia oo hortaala maxkamada caalamiga ah The Hague

Danjiraha dowladda Soomaaliya ee midowga Yurub Cali Saciid Faqi oo faah faahin ka bixiyay jawaabta ay gudbisay dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in mudaddii loo qabtay dowladda Soomaaliya gudisay jawaabtii loo baahnaa.

Faqi ayaa sheegay in dowladda Kenya dhinaceed ilaa December sanadkan laga sugayo in ay soo gudbiso jawaabta looga baahan yahay.

‘’ Marka sidoo kale Kenya soo gudbisay jawaabta laga sugayo gal-dacwadeedka, sanadka soo socda wixii ka danbeeya maxkamada go’aan ay ka gaari doontaa dacwada iyo kiiska leyska hayo ee muran xudduudeedka Badda’’ ayuu yiri Cali Saciid Faqi.

Ergadan waxaa hoggaaminaya Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, waxaana qeyb ka ah qareenno ay garwadeen ka tahay Dr. Muna Al Sharman iyo Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Dr. Cali Said Faqi.

Muran xudduudeedkan badda ee leysku hayo ayaa la sheegay in uu ku jiro Gaas iyo Saliid, dowladda Kenya ayaa dhulkaas heshiis kula gashay shirkado shisheeye in ay ka baaraan shidaal, ilaa 44 jeer ayaa Gaas iyo Saliid laga baaray goobtaas lagu murnasan yahay, shirkadaha baaritaanka ka sameeyay ee Kenya ay heshiiska la gashay waxaa ka mid ah Total, Eni iyo PanContinental.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]