Talaado, June, 19, 2018 (HOL )- Magaalada Oslo ee dalka Norway maanta oo
Talaado ah waxaa ka furmaya shirka sanadlaha ah ee madasha Oslo, kaasi oo ay
marti gelinayso Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Norway.
Shirkan ayaa waxaa Soomaaliya ku metelaya wafdi
uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre oo shalay si heer
sare ah magaalada Oslo ay ugu soo dhaweeyeen safiirka Norway u fadhiya
Soomaaliya iyo Masuuliyiin ka socota Wasaaradda arrimaha dibadda Norway.
Shirkan oo qorshuhu yahay in uu socdo 19-20 June,
ayaa ah madal sanadkiiba mar la qabto loogana hadlo xallinta khilaafaadka kaas
oo ay isugu yimaadaan Madax ka kala socota adduunka.
Madasha waxaa ka qeyb galaya sanadkaan Ra’iisul
Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaaraha dalka Norway, Erna
Solberg, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, Xoghayaha Guud
ee Hey’adda ammaanka iyo wada shaqeynta Yurub, Thomas Greminger, U qaabishana
Xog-haya guud ee Qaramada Midoobay ee arimaha Siyaasadda, Rosemary A. DiCarlo
iyo wasiirrada arimaha dibadda ee dalalka Algeria, Jordan, Cummaan iyo
Tanzania.
Kulanka inta uu socdo waxa ay ka qeyb galayaashu
ka doodayaan si qota dheerna uga hadlayaan caqabadaha ku hor gudban dadaallada
Nabad dhalinta iyo sida ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadahaas.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale
inta uu Joogo Oslo la kulmaya qaar kamid ah madaxda kasoo qeyb galeysa shirkaan
Caalamiga ah iyaga oo ka wada hadli doona arima badan oo muhiim u ah Soomaaliya
iyo dalalka iyo Hey’adaha ay ka socdaan madaxda uu la kulmayo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]