4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 18, 2018
Dowladda Soomaaliya oo si rasmi ah ula soo wareegtay maamulka hawadda


Isniin, June, 18, 2018 (HOL)- Waxaa si rasmi ah gacanta dowladda Soomaaliya ugu soo wareegtay maamulka Hawada oo muddo dheer xarun u aheyd magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa si rasmi ah u daah furay maamulka dhammeystiran ee Hawada dalka wuxuuna sheegay in soo wareejinta Maamulka Hawada ay daba socdaan Mashruucyo kale oo lagu tababarayo Shaqaalaha Soomaaliyeed, laguna qaadanayo shaqaale cusub, wuxuuna kalsooni ka muujiyay in Shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku filan yihiin hawshan.

“Soo wareejinta hawada waxaa daba socda mashruucyo kale oo shaqaalaha lagu tababarayo, lagu abuurayo shaqaaleyn cusub lagala wareegayo Ajnabiga ka shaqeynaya oo lagu bedelaayo shaqaale Soomaaliyeed, waxaa ay noo mareysaa meel wanaagsan, hada waxaan kusii shaqeyneynaa sharciyadii iyo hababkii hore iyadoo Shaqaalihii hore ay ka shaqeynayaan laakiin shaqaale cusub oo Soomaali ah ayaa qabsanaya meelaha ugu sareeyay Maamulka SCAMA’’

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in hada wixii ka dambeeya diyaaradaha maraya hawada Soomaaliya ay amar ka qaadanayaan Dowlada Soomaaliya halka markii hore dowlada ay bixin jirtay talo maadaama aysan heysan qalab sax ah oo ku filan.

“Waxaa xusid mudan inta aanan usoo guurin Muqdisho diyaaradaha hawada Soomaaliya maraya waxay naga qaadan jireen Talo, amar nagama qaadan jirin waayoo ma heysan qalab sax ah oo ku filan Maanta wixii ka bilowda amarkii aan anaga farno ayay ku shaqeynayaan, waa xurnimo noo soo noqotay oo kusoo laabatay si heer sare ah”.ayuu yiri Wasiirka.

Avireo Lopez waa madaxa howlgelinta Hay’adda ICOA wuxuu muujiyey in 27-sanno kaddib ay u muuqato in isku filnaansho ay ka gaartay Soomaaliya dhinaca maamulka Hawada, waxa uu intaa raaciyey in tani ay wadddo cusub u furi doonto wajiga Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]