Isniin, June, 18, 2018 (HOL)- Somaliland oo markii ugu horeysay
ka hadashay heshiiskii dhawaan Muqdisho ay ku gaareen Madaxweynaha dowladda
Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy
Ahmed ayaa sheegtay in heshiiskaasi aanu quseyn iyaga.
Wasiirka
Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax
(Guribarwaaqo) oo la hadlay Laanta VOA ayaa sheegay in heshiiskaas aanu wax
saameyn ah ku yeelan doonin dhinacooda madaama ayuu yiri sida uu hadalka u
dhigay Soomaaliya iyo Somaliland kala madax-bannaan yihiin.
Wasiirka ayaa meesha saaray in Dekedaha heshiiska
ku jira ee la wadda maal-gashanayo aysan ka mid aheyd dekedda Berbera oo sida uu
sheegay horeyba loogu heshiiyay saami-qeybsigeeda.
‘’Waxaa jira wax caqliga diidaya Itobiya waxaa ay
horay heshiis ula gashay Somaliland iyo shirkadda DP World ee Imaaraadka laga
leeyahay waxaana uu heshiiskaa ka dhacay dalka Isku tagga Imaaaraadka Carab,
sidaa daraadeed ma’aha wax dhici kara mar kale haddana heshiis cusub oo isla
dekedda Berbera ah gasho, ayuu yiri’ Wasiirka.
Wuxuu sheegay in marka dadka ka imanaya
Soomaaliya doonaayaan in ay soo galaan Somaaliland ay tahay in ay Visa u soo
qaateen taasoo muujineysa ayuu yiri in aynu kala madax-bannaannahay.
Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xili maalin ka hor
magaalada Muqdisho uu socdaal ku tagay ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed
waxaan shir jaraa’id oo ay wada jir u qabeen isaga iyo madaxweyne Farmaajo lagu
soo bandhigay heshiis dhiggaya iskaashi dhinacyo badan
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]