4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 18, 2018
Burco: Ganacsatada shaaha iibiya oo qaarkood xabsiga loo taxaabay

 

Isniin, June, 18, 2018 (HOL)- 17 makhaayadood oo qiimihii shaaha kordhiyey ayaa lagu xidhay magaaladda Burco ka dib markii dadweyinihii macaamiisha u ahaa si weyn uga cawdeen korodhka qiimaha koobka shaaha ah ku yimid.

Makhaayadahan la xidhay ayaa koobkii shaaha ahaa ka dhigay kun iyo shan boqol oo Somaliland shilling, halka markii hore uu ka ahaa kun shilling Somaliland ah, taas oo dadweynihii aad hore hor yimaadeen korodhka lagu kordhiyey koobka shaaha ah.

Badhasaabka gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi ayaa sheegay in sababta loo xidhay 17 makhaayadood tahay in qiimaha shaaha ay iska kordhiyeen iyadoo aan wax qiimo ah ku kordhin waxyaalihii shaaha laga samaynayey.

“Waxaanu xidhnay 17 makhaayadood oo qiimihii shaaha kordhiyey, waxaana ka cawday dadweynihii, sabab ay u kordhiyeena ma jirto oo waxyaalihii shaaha laga samaynayey ee ka koobnaa Sonkorta Shaaha iyo biyuhu waxba laguma kordhin “ayuu yidhi gudoomiyaha gobolka Togdheer.

Dadweynaha reer Burco ayaa aad uga qayliyey qiimaha lagu kordhiyey shaaha,inkastoo suuqu xor yahay hadana waa markii ugu horeyso oo loo xidho ganacsato qiimo ku kordhiyey alaabta iibinayeen.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.