Isniin, June, 18, 2018 (HOL)-Dowladda Kenya oo
faah faahin ka bixisay weerarkii shalay gelinkii dambe ciidamada lagula eegtay
deegaanka Wajeer oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Maalintii shalay ayeey aheyd markii qarax miino
lala eegtay gaari nuuca dagaalka ah oo ay wateen ciidanka Booliska Kenya,
waxayna ka mid ahaayeen ciidan waday hawlgal roondo ah.
Charles Owino afhayeenka Booliiska Kenya oo la
hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa waxa uu sheegay in weerarkaasi
ciidanka Booliska Kenya looga dilay Sideed askari, wuxuuna tilmaamay in
ciidanka ay ku baxeen Shabaabkii falkaasi ka dambeeyay.
“Al-shabaab oo hali ku ah ammaanka Soomaaliya iyo
midka gobolka ayaa qarax la eegtay ciidan Boolis ah, waxay dileen Sideed
askari, ciidan gaar ah ayaa wada hawlgal looga daba tagayo raggaasi, waxay
ciidamadeena ku dadaalayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarada
xagjiriinta.” Ayuu yiri Afhayeenka Booliska Kenya.
Al-shabaab oo weerarkan uga hadlay baraha ay
wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen in qaraxaasi ay ku dileen 15
askari oo Kenyan ah, sidoo kalena ay ku gubeen gaari nuuca xambaara ciidanka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]