4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 18, 2018
Dowladda Soomaaliya oo faah faahin ka bixisay heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya

 

Isniin, June, 18, 2018 (HOL) –Dowladda Soomaliya ayaa markii ugu horeysay faah faahin dheeraad ah ka bixisay heshiiskii dhaxmaray dowladdaha Itoobiya iyo Soomaaliya kaddib socdaalkii uu maalin ka hor ku yimid magaalada Muqdisho ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo faah faahin ka bixinayay heshiiskaasi ayaa waxaa uu sheegay in uu ku saabsanaa dhinacyada iskaashiga amniga, diblomaasiyadda, iyo arrimo kale.

Wuxuu sheegay Wasiir Daahir Geell in heshiiskan uu mudo soo socday oo dowladihii midan ka horeeyay ay soo wadeen, wuxuuna tilmaamay in labada dalba ay heysteen fursado badan.

Laakiin waxaa uu meesha ka saaray hadalkii ka soo yeeray ra’iisal wasaaraha Itoobiya ee ahaa in labada dal isku noqonayaa hal wadan, isaga oo sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya yihiin labo dowladood oo kala madax-bannaan laakiin yeelanaya iskaashi iyo wax wada qabsi.

“Heshiiskani wuxuu ku saabsanaa dhinacyo badan, heshiiskani mudo ayuu soo socday, mar walba waxaa laga duulayay laba dowladood oo deris ah, waxaa aad looga hadlay xiriirka dhaqaale ee labada dowladood, suuq macno leh ayaa halkan ka dhalanaya, waxaan kuu sheegi karaa in ay wada hadleen laba dal oo kala madax banaan, ra’iisul wasaaraha Itoobiya wixii uu ka hadlay waa wax dalkiisa quseeya” ayuu yiri Wasiir Daahir Geelle.

Mar wax laga weydiiyay in Itoobiya dhisaneyso Ciidamo Badda, isla markaana heshiiskan uu ku soo aaday xilli xasaasi ah ayuu kaga jawaabay in dadka Soomaaliyeed arrimahaas shaki ka geli kara, balse gobonimada Soomaaliya ay tahay lama taabtaan.

“Dowladda ka talisa Soomaaliya inay horumariso mooyee hoos ugama dhigeyso, gobonimada iyo madax banaanida Soomaaliya waa laba taabtaan, Dekedaha iyo dalka cid la siiyay ma jirto, laakiin iskaashi dhaqaale oo dowlad kasta oo adduunyada ka mida haddii ay timaado la yeelan laheyn waaye waxaa meesha ka dhacaya, waana wax maslaxad Soomaaliyeed ku jirto”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.

Booqashadii ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya ee uu ku yimid Soomaaliya ayaa aheyd mid aan horayba loo sii ogeyn, iyadoo la og yahay labada dal tan iyo wixii ka danbeeyay heshiis Berbera uu ka dhax aloosnaa mugdi siyaasadeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]