Axad, June, 17, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowlad
goboleedka Hirshaelle Maxamed Cabdi Waare,Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali
Cabdulaahi Xuseen iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan
Barre Maxamed ayaa maanta si wadajir ah ugu booqday isbitaalka Medina ee
magaalada Muqdisho ciidamo ku soo dhaawacmay gobolka Hiiraan.Madaxda Hirshabelle ayaa mid mid u booqday bukaanadan
waxaana ay gaarsiiyeen lacago deeq ah oo ay ugu talogaleen bukaanada iyadoo
bukaanadan ay yihiin ciidamo ku soo dhaawacmay dagaal ka dhacay dhawaan
deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Hadal gaaban oo ay madaxdan jeediyeen
booqashadooda kadib ayaa waxa ay si wadajir ah ugaga tacsiyeeyeen ciidamadii ku
dhintey dagaalkii ka dhacay Moqokori, waxayna sidoo kale eebee ugaga baryeeyeen
bukaanada dhaawacyada inay caafimaad deg-deg ah helaan.
“Ciidamadii ku dhintey dagaalada Hirshabelle waa shahiid kuwa dhaawaca ah
xanuunka ayaan la qeybsanaynaa wixii uu maamulka qaban karana waxba ka hagran
maayo.”ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle.
Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo hadlay ayaa
sheegay in dadka dhaawaca ah ay ku dadaali doonaan sidii wax loogu qaban lahaa.
“Waxaan diyaar u nahay in aan wax walba u sameyno ciidamadeena ku dhaawacmay
daafaca dalka haddii ay jiraan qaar u baahan in dibadda loo qaadana waxaan kala
kaashan doonaa dowlada Federalka.”ayuu yiri Madaxweynaha dowlad goboleedka
Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.
Ehelada bukaanada ku jira isbitaalka ee ay maanta madaxda ugu sareysa dowlad
goboleedka Hirshabelle booqashada ugu tageen ayaa u mahadceliyay madaxda
waxayna sheegeen inay ku faraxsan yihiin in maamulka Hirshabelle uu marwalba u
taagan yahay sidii uu ula socon lahaa ciidamada ku soo dhaawacma dagaalada
lagula jiro Alshabaab.
Booqashada isbitaalka ay maanta ku tageen madaxda ugu sareysa Hirshabelle
ayaa waxaa kamid ah wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Cali Caadle iyo wasiiro
kale oo ka mid ah golaha wasiirada Hirshabelle.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]