4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 17, 2018
Mexico oo 1-0 ku dhufatay Xiddigihii Jarmalka

 

Axad, June, 17, 2018 (HOL) – Kulanka oo ahaa mid siweyn isha loogu wada hayay ayeey cayaartooyda labada dhinacba soo bandhiggeen qaab-cayaareed siweyn loo jecleystay.

Xiddiga xulka Kubadda Cagta Mexico ayaa dardar iyo weerar waali ah la soo gallay garoonka, iyaga oo mar walba u muuqday kuwo ay ka go’neyd in ay hellaan goolal ay uga adkaan karaan xulka Koobka difaacanaya ee Jarmalka.

Jarmalka dhinaciisa lama dhayalsan karin oo waxaa ay si wanaagsan u maamulayeen Kubadda dhinac kasta, taasoo guud ahaanba cayaarta ka dhigtay mid soo jiidatay idhaha –daawadayaasha.

Daqiiqadii 35aad cayaarta xulka Mexico waxaa u suurtagay in ay hellaan Goolkoodii ugu horeeyay oo siweyn ay ugu farxeen taageerayaasha oo malaha u qaadan waayay Goolka ka dhashay Xiddigaha Jaramlka.

Wareegii hore ee cayaarta ayaa sidaa ku soo dhamaatay, qeybtii dambe ayeey Germany ku soo gashay si waali ah, waxaana ay go’doomiyeen xulka Mexico oo laakiin go’aan ku gaaray in awood wixii ay lahaayeenba isugu geeyaan difaaca goosha.

Waxaa sidaas ku dhamaatay guul uu xulka Mexico ku gaaray kulanka sidaasna Guushu ku raacday xulka Mexico oo dhulka dhigay xulka Jarmalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]