4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 17, 2018
Ra’iisal wasaare Kheyre oo u socdaalay dalka Norway

 

Axad, June, 17, 2018 (HOL) -Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Oslo ee dalka Norway, halkaasoo ay uga qeyb galayaan Madasha Oslo Forum oo ah shir sanadle ah oo ay qabato Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway.

Kulankan ayaa socon doona 19-20 June waxaa lagu casuumay Madax iyo Mas’uuliyiin ka socda Hey’addo iyo ururo caalami ah, waxaana Madaxda ka qeyb galaya ka mid ah Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutteres.

Arrimaha shirka looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah caqabadaha ka jira dunida saddexaad, doorka nabad dhisida dalalka ay colaaduhu ka jiraan, arrimaha dhaqaalaha iyo horumarinta.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa markii u horeysay tagaya dalka uu dhalashadiisa heysto ee Norway oo uu ku noolaa muddo, waxaana la filayaa in Madaxda dalkaas inuu kulamo la qaato iyo wafuuda shirka ka qeyb galeysa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]