4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 17, 2018
Roob dabeello wata oo xalay khasaare soo gaadhsiiyey degmadda Sallaxley ee Somaliland

 

Axad, June, 17, 2018 (HOL) - Hal qof ayaaa ku geeriyooday, ilaa saddex qofna way ku dhaawacmeen roob dabeelo wata oo xalay ka da’ay degmadda Sallaxley oo koonfur kaga beegan magaaladda Hargeysa.

Roobkan Dabeelaha wata ayaa la sheegay in guryo badan dumiyeen oo ay ku jireen xafiiskii gudoomiyaha, cisbitaalka magaalada iyo bakhaaro ay dawladdu lahayd.

Sida uu sheegay aabaha wiilkan dhalay Aadan Siciid ayaa sheegay in wiilka geeriyooday uu ahaa laba sanno iyo badh jir, isla markaana ku dumay gurigii uu ku jiray, halka ay ka badbaadeen laba caruur oo kale iyo hooyadood kaddib markii ay banaanka usoo baxeen.

Roobkan ayaa la sheegaya inuu khasaaro badan soo gaadhsiiyey magaalada, isla markaana guryaha into badan uu jiingadii ka qaaday.

Dhinaca kale, magaaaladda Berbera waxa ay baddu ku liqday hal qof, halka qof kalena laga badbaadiyey oo la dhigay cisbitaalka Berbera.

Magaaladda Berbera waxa maalmaha ciidda iskugu yimaadda dhallinyaro faro badan oo ka kala yimid goboladda, kuwaas oo dalxiis ahaan u yimaadda magaaladda, haseyeeshee aqoon badan oo aanay u lahayn biyaha ayaa keentay in qaarkood ku geeriyoodaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.