4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 17, 2018
25 qof oo ku dhimatay Qarax ka dhacay Bariga Afghanistan

 

Axad, June, 17, 2018 (HOL) - Ilaa 25 qof ayaa ku dhimatay Bariga Afghanistan kadib markii qarax ismiidaamin ah lagu qaaday meel ay ciidamada dowladda joogeen.

Weerarkaasi ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay ku dhawaad 40 kale oo ka agdhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Kooxda Taliban ayaa muddo inta lagu jiro ciidda hakisay dagaalka ay kula jiro dowladda, waxayna shacabka fursada u siisey in ay si nabad galyo ah u ciidaan, balse weerarkan ayaa waxa masuuliyaddiisa sheegtay kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ah.

Ilo dhinaca ammaanka ah ayaa  sheegey in dadka waxyeellada weerarkaasi ka soo gaartay ay isugu jiraan ciidamada Afghanistaan, maleeshiyaadka Talibaan iyo dad rayid ah oo farxadda ciidda u dabaal degayay.

Afhayeen u hadlay dowladda, Attaullah Khogyani, ayaa  sheegey in weerarka uu ka dhacay duleedka Jalabalad, xarrunta gobolka Nangarhar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]