4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 17, 2018
Jidadka magaaalada Muqdisho oo dib loo furay

 

Axad, June, 17, 2018 (HOL) – Qeybo ka mid ah waddada Maka Al-Mukarama ayaa saakay la arkayay iyagoo furan oo dib gaadiidka ay u isticmalayaan, sidoo kale waxaa la furay waddooyinka soo gala Maka Al-Mukarama oo gaadiidka aanu soo gaari jirin, isla markaana dhexda ku kala wareegi jiray.

Maalmihii aynu soo dhaaafnay ciidamada ammaanka ayaa shacabka iyo gaadiidka ku amrayay in meelaha qaar ay dib uga laabtaan, islamarkaana ay heystaan amar ah in aanay cidna soo mari karin.

Shacabka ayaa ka cabanayay xirnaanshaha waddooyinka iyo xaaladaha ku soo kordhay magaalada, waxaana maalintii shalay oo aheyd maalinta labaad ee Ciidul Fitriga ay aheyd mid magaalada kala xiran, maadaama uu Muqdisho booqasho ku yimid Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, isla markaana ammaanka si aad ah loo adkeeyay.

Hay’adaha ammaanka ayaa bishii Ramadaan ku guuleystay inay inta badan xaqiijiyaan ammaanka magaalada, iyagoo xiray jidad badan, waxaana bishii Ramadaan ee dhamaatay uu ahaa bishii u horeysay oo aanay dhicin wax qaraxyo ah iyo weeraradii looga bartay inay fuliyaan Al-Shabaab, hase ahaatee dilal aad u fara badan ayaa magaalada ka dhacay intii lagu guda jiray bisha Ramadaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]