3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 17, 2018
Madaxweynaha Galmudug oo ku dhawaaqaya Gole Wasiirro

 

Axad, June, 17, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa lagu waddaa in saacaddaha soo socda in uu ku dhawaaqo gole wasiirro sidda ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa lagu waddaa in uu magaalada Dhuusa-mareeb uu kaga dhawaaqo Gole Wasiirro oo ay ka soo dhex muuqan doonaan Xubno ka tirsan maamulkii Ahlu-Sunna ee Galmudug raacay.

Xaaf ayaa soo gabagabeeyay Wadatashiyo uu maalmihii lasoo dhaafay la sameynaayay Qeybaha kala duwan ee Bulshadda ee kasoo jeedda degaanada Galmudug.

Wasiiro horay uga tirsanaa Xukuumadda Xaaf ay dib u soo laaban doona, sidda Maaliyadda, Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Dekeddaha iyo Saadaasha Hawadda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/17/2018 4:00 PM EST
Axad, June, 17, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshaelle Maxamed Cabdi Waare,Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa maanta si wadajir ah ugu booqday isbitaalka Medina ee magaalada Muqdisho ciidamo ku soo dhaawacmay gobolka Hiiraan.Madaxda Hirshabelle ayaa mid mid u booqday bukaanadan waxaana ay gaarsiiyeen lacago deeq ah oo ay ugu talogaleen bukaanada iyadoo bukaanadan ay yihiin ciidamo ku soo dhaawacmay dagaal ka dhacay dhawaan deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan.

6/17/2018 1:05 PM EST
Axad, June, 17, 2018 (HOL)–Kulanka oo ahaa mid siweyn isha loogu wada hayay ayeey cayaartooyda labada dhinacba soo bandhiggeen qaab-cayaareed siweyn loo jecleystay.

6/17/2018 9:51 AM EST
Axad, June, 17, 2018 (HOL) - Guddoomiye ku-xigeenka koowaad dhanka Amniga iyo siyaasadda Gobolka Gedo Aadan Siraad Maxamuud ayaa sheegay in xoogagga Al-shabaab khasaare lagu gaarsiiyay duqeynta laga fuliyay deegaanka Ceel-Cadde iyo deegaanada kale ee hoos yimaada magaalada Garbahaareey ee xarunta Gobolka Gedo.

6/17/2018 7:23 AM EST
Axad, June, 17, 2018 (HOL) -Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Oslo ee dalka Norway, halkaasoo ay uga qeyb galayaan Madasha Oslo Forum oo ah shir sanadle ah oo ay qabato Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway.

6/17/2018 4:15 AM EST
Axad, June, 17, 2018 (HOL)-Ciidamo isugu-jira kuwa Galmudug iyo Puntland ayaa maalmihii u dambeeyay howlgallo wada-jir ah oo ammaanka lugu xaqiijinayay ka wadey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

6/17/2018 4:08 AM EST
Axad, June, 17, 2018 (HOL)-Hal qof ayaaa ku geeriyooday, ilaa saddex qofna way ku dhaawacmeen roob dabeelo wata oo xalay ka Da’ay degmadda Sallaxley oo koonfur kaga beegan magaaladda Hargeysa.

6/17/2018 3:09 AM EST
Axad, June, 17, 2018 (HOL)-Ilaa 25 qof ayaa ku dhimatay Bariga Afghanistan kadib markii qarax ismiidaamin ah lagu qaaday meel ay ciidamada dowladda joogeen.

6/17/2018 2:29 AM EST
Axad, June, 17, 2018 (HOL)-Dowladda Kenya ayaa sheegtay in socdaan dadallo ku aadan in dib loo celiyo Macalimiinta dugsiyadda Waxbarashadda ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

6/17/2018 2:23 AM EST
Axad, June, 17, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland,Xasan Maxamed Khaliif ayaa markii ugu horreysay sheegay inuu rajo ka qabo gobolka Mudug in uu hal noqdo oo hal maamul uu yeesho, wuxuu caddeeyay muddooyinkii u dambeeyay si wadajir ah inay u shaqeynayeen labada maamul.

6/17/2018 2:16 AM EST
Axad, June, 17, 2018 (HOL)–Qeybo ka mid ah waddada Maka Al-Mukarama ayaa saakay la arkayay iyagoo furan oo dib gaadiidka ay u isticmalayaan, sidoo kale waxaa la furay waddooyinka soo gala Maka Al-Mukarama oo gaadiidka aanu soo gaari jirin, isla markaana dhexda ku kala wareegi jiray.