Talaado, June, 12, 2018 (HOL)- Madaxweynaha dalka
Maraykanka Donald Trump iyo Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un ayaa ku
kulmay goor dhow jasiirada Sentosa ee dalka Singapore.
Kulankan oo caalamka oo dhan indhaha uu ku hayo
ayaa labada madaxweyne ay isku salaameen, waxana uu Madaxweynaha Maraykanka
sheegay inay sharaf u tahay inuu la kulmayo Kim Jong-un kaasoo uu filayo in
xiriir cajiib leh ay yeeshaan.
Trump ayaa u sheegay weriyaasha inay tahay arrin
weyn ayna wadahadal yeelan doonaan taasoo guul weyn ay ka soo baxayso.
Dhinaca kale hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa
sheegay in aysan ahayn mid fudud sida uu kulankan ku dhacay ayna ka soo
guuleysteen mashaakilaad badan oo ku dadbanaa kulankooda.
Labada hogaamiye ayaa waxaa ay yeesheen kulan
gaar ah oo weriyaasha banaanka loogaga saaray waxaana loo oggolaaday oo kaliya
tarjubaanadooda. kulankan ayaa soo dhamaaday markii uu soddon daqiiqo uu
socday waxana labada hogaamiye ay ku soo biireen madaxdii la socotay oo ay
wasiirada arrimaha dibada labada dal ka mid ahaayeen.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya inuu socdo
haatan kulan ballaaran oo wafdiga labada dhinac ay isku soo horfariisteen
waxaana la filayaa in ay qado wada yeelan doonaan inta uusan soo dhamaan kulankooda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]