Ciyaarahii Todobaadka Soomaalida ee Minnesota oo shalay ku soo gabagaboobay Jaamacada St Thomas ee Mag. St Paul.
Axad, July, 08, 2018 (HOL)-Ciyaarahii
Todabaadka Soomaalida ee Minnesota ka socday ayaa shalay lagu soo gabgabeeyay
magaalada St Paul, iyadoo ciyaarahaan
ay
ka qaybgaleen 24 kooxood oo ka kala yimi gobaladda dalkaan Maraykanka iyo
Canada.
Ciyaartii
shalay waxaa kama danbaystii isagu soo haray TC Stars Minnesota & Kooxda Fargo
United oo ka timi gobolka North Dakota ciyaartaan oo aheed mid ay labadda
Kooxood soo bandhigeen ciyaar aad u saraysa ayaa xiligii loogu talagalay ku
dhamaatay gool iyo gool waxaana loo dhigay Rogoorayaal ama goolku laad waxayna
ku kala baxeen 5 TC Stars iyo 4 Fargo
United
Kooxda kubadda
Cagta TC Stars ayaa ka mid kooxaha ugu faca wayn ee ka jira W/America waxayna
hore ugu soo guulaysteen Koobab fara badan, wallow Tabaraha Kooxdan TC Carab uu
sanadkaan la soo shir tagay ciyaartooy cusub marka laga reebo 3 hore uga
tirsanaa Kooxdaan, TC ayaa wax badan ka badashay qaab ciyaareedkii lagu
yaqiin.
Abaalmarino kala
duwan ayaa shalay la gudoonsiiyo ciyaartooydii tartankaan ka qaybgashay waxaa
MVP ku guulaystay Guleed Kabtanka Kooxda Fargo united ,Gool dhalinta Maxamed
Qabri bayax oo u ciyaaraha Cedar Stars, Goolhayaha ugu wanaagsana waxaa qaatay
Jama TC ka tirsanaa, Muller TC ayaa
hantay difaacii ugu adkaa halka Tababare Carab uu noqday macalinkii sanadkaan
ugu fiicnaa.
Maamulka
ciyaaraha todobaadka Soomaalida oo mudadii ay ciyaaruhu socdeen ku dadaalay in
ciyaaruhu u qabsoomaan habsami leh ay dhankooda ay guul u aheyd in koobku soo
afj armo iyadoo aan wax mushkilado ahi dhicin ayaa shalay dhankooda shalay
farxad aad u wayn laga dareemaayey.
Koobkan oo
sanad kasta xilligan oo kale la qabto, ayaa Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada
Ciyaaraha Tababare Axmed Ismaaciil waxa uu sheegay in sanadka danbe ay sare u
qaadi doonaan tayada ciyaaraha iyo barnaamijyada ay dhalinyarada u sameeyaan.
Gabagabadii
Ciyaaraha ayaa shalay la gudoonsiiyey abaalmarino kala duwan dadkii gacanta ka
gaystay qabashada koobkaan taas oo websidka Hiiraan Online na uu qayb ka ahaa
Hay’adahii la abaalmariyey isagoo bartiisa facebooga si joogta ah ugu
dabinaayey halka ay marayaan ciyaaraha mar walba.
Siyad Said
Salah
Hiiraan Online
siyad@hiiraan.com
Minneapolis,Minnesota