Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya Madasha Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha ee Jabuuti
Khamiis, July, 05, 2018 (HOL) – Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa
gaaray magaalada Jabuuti halkaas oo uu ka furmay Shirka Madasha iskaashiga
Afrika iyo Shiinaha.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha
kusoo dhaweeyay Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti
Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo Diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda
Soomaaliya ee dalkaas.
Shirkan oo soconaya inta u dhaxaysa 5-7 bishan Luuliyo
ayaa looga wada xaajoonaya hirgelinta ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika,
xoojinta maalgashiga, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xaqiijinta hiigsiga
horumarineed ee 2030-ka ee ajendaha caalamiga ah.
Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qayb galay saaka
furitaanka Aaga Caalamiga ah ee Ganacsiga Xorta ah ee Jabuuti iyada oo ay
munaasabaddaasi goobjoog ka ahaayeen Madaxweynaha martida loo yahay Mudane
Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Rwanda, Madaxweynaha Suudaan, Ra'iisul
Wasaaraha Itoobiya iyo Guddoomiyaha Midowga.
Madaxweynaha oo khudbad kooban jeediyay ayaa sheegay in
furitaanka Aagan ka Caagan Canshuuraha ee Jabuuti ay ka turjumeyso in dalkan uu
u diyaar garoobay tartanka ka socda caalamka ee lagu xoojinayo kobcinta iyo
isdhex galka dhaqaalaha adduunka iyo kan gobolka.
"Hawshan waxaa galay waqti badan, shaqo badan,
aragti fog iyo hoggaan wanaagsan oo uu hormuud u yahay walaalkeen Ismaaciil
Cumar Geelle taasoo iyadana ku timid wadashaqeynta shacabka iyo Dowladda
Jabuuti." Ayuu yiri Madaxweynaha.
Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya Wasiirka Arrimaha
Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiirka
Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshahada
Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Mudane
Maxamed Cali Xagaa iyo La Taliyaha Arrimaha Dibadda ee Madaxweynaha Mudane
Balal Cusmaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]