Wasiir Maareeye ‘’ Waxaan qandaraas ku bixineynaa nashqadeynta midabkii saxda ahaa ee calanka Soomaaliya
Talaado, July, 31, 2018 (HOL)-Qoraal ka soo baxay xafiiska Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa markii ugu horeysay lagu sheegay in wasaaradu baadi-goob u gali doonto midabka saxda ah ee calanka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa qoraalkiisa ku
sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed Wasaaraddu u soo bandhigeyso heshiis
soconaya muddo 10 sano ah oo lagu baadi-goobayo shirkad nashqadeysa sida uu
hadalka u dhigay midabkii saxda ahaa calanka Soomaaliya.
Waxaa qoraalka lagu sheegay in
tan iyo wixii ka danbeeyay burburkii dowladdii dhexe 1991kii dalku ku jahwareeray
calamo midobo kala duwan leh oo haddana xadiggo kala jeeda mid walba uu wato,
sida buluug qafiif ah,buluug madow ah iyo buluug dhexe.
Shirkaddaha u tartami kara
Qandaraaska ayaa lagu xiray sharuudo gaar ah waxaana sharuudahaa ku jira in
shirkadaasi awood u leedahay in ay nashqada ay soo bandhigto gaarsiin karto
gobollada iyo degmooyinka guud ahaan dalka Soomaaliya.
Waa markii ugu horeysay oo
dowladda Soomaaliya soo bandhigto tartan lagu doonayo in lagu nashqadeeyo
calanka Buluuga ah ee Soomaaliya oo wali aad moodo in aan leysku wada
raacsaneyn noociisii saxda ahaa marka laga soo taga lagu soo tago in uu Buluug
ahaa oo kaliya.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]