Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo ka qeybgalay shir madaxeedkii midowga Africa
Talaado, July, 03, 2018 (HOL) – Ra’iisul wasaare
ku-xigeenka xukuummadda Soomaaliya Mahdi
Maxamed Guuleed (Khadar) oo magaalada Nouakchott ee caasimadda dalka Mauritania
uga qeyb galay shir madaxeedkii Midawga Afrika, ayaa la kulmay Gudoomiyaha
Guddiga Midawga Afrika, Moussa Faki Mahamat.
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo Moussa Faki
Mahamat ayaa ka wada halay nabadda iyo xasilloonida guud ahaan gobolka gaar
ahaan dalka Soomaaliya iyo sida Midawga Afrika ay usii wadi lahaayeen
taageerada Dawladda Soomaaliya la siiyo iyo hannaanka Soomaaliya ay amnigeeda
kala wareegayso ciidamada nabad ilaalinta Midawga Afrika (AMISOM).
Waxaa uu sidoo kale kulan la qaatay Ra’iisul Wasaarihii hore ee
Ethioipia Hailemariam Desalegn, waxa ayna isla soo hadal qaadeen arrimo ay
kamid yihiin adkaynta xariirka labada dal.
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa labadii maalin ee tagtay magaalada
Nouakchott uga qeyb gelay shir madaxeedka 31-aad ee Midawga Afrika oo looga
hadlay sidii loogu guuleysan lahaa dadaallada loogu jiro la dagaalanka Musuq-maasuqa,
furdasaha fududeyn kara la dagaalanka musuqa iyo caqabadaha jira.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]