Warbixin --Taariikh cusub oo u bilaabatay xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Eritrea
Sabti, July, 28, 2018 (HOL) –Socdaalka
madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Asmara ayaa u
muuqda mid bog cusub iyo taariikh bilow ah ka dhigaya xirirka diblomaasiyadeed ee
labad dal Soomaaliya iyo Eritrea.
Booqasho rasmi ah oo qaadan
doonta muddo Saddex cisho ah ayaa madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu
horkacayo uga bilaabatay magaalada Asmara ee dalka Eritrea oo maanta si diiran
loogu soo dhaweeyay.
Madaxweyne Isaisa Afwerki iyo
xubno ka tirsan golihiisa Wasiiradda ayaa garoonka diyaaradaha uga hortagay
madax-weynaha Soomaaliya iyo wafdiggii la socday.
Booqashadan oo ah marka dhinac
laga eego mid la jaan-qaadeysa is badallada siyaasadeed ee gobolka ka soo cusboonaday, ayaa la
filayaa in labada madaxweyne kulamadooda inta badan diirrada ku saaraan sidii
loo soo nooleyn lahaa xiriirkii labada dowladood oo muddo dheer-ba mad-madow ku
jiray.
Eritrea oo muddo ka badan 20 sano
dagaal kula jirtay dowladda dariska la ah ee Itoobiya ayaa iyadoo ka xukun
saameynta ay Itoobiya ku laheyd Soomaliya, waxaa iyana taa badalkeeda u
ogolaatay dalkeeda in ay xarumo ka dhigtaan Ururradii kala duwanaa ee dalka
Soomaaliya sida midowgii Maxkamadaha iyo kooxihii kale ee ku kacsanaa
dowladdihii dalka isaga danbeeyay sida Isbaheysigii Asmara oo ay ku mideysnaayeen wadaado
iyo siyaasiyiin is badal doon ahaan.
Waxey taasi dhaxal siisayy markii danbe in
dowladda Eritrea lagu eedeeyo in ay taageerro dad badan siiso ururrada xagjirka
ah sida Al-shabaab, ugu danbeyntii-na Qaramada Midoobey ayaa ku soo rogtay cunaqabateyn sabab looga dhigay in ay xasilooni darro ka wado gobolka Geeska Africa.
Laakiin marka aad eegto
heshiiskii ugu danbeeyay ee dhaxmaray labada dowladood Itoobiya iyo Eritrea iyo
booqashada madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee
Asmara, waxaa muuqanaya in markan Ertirea diyaar u tahay in ay meesha ka
saarto tuhumadii laga qabay ee keenay muddo dheer-ba go’doon ka ahaato
caalam-ka intiisa kale.
Dowladda Soomaaliya-na waxaa
muuqanaya in dhinaceeda ay diyaar tahay in ay la jaan-qaado is badallada ka
socda gobolka oo dhinacyo badan isugu jira.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]