Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed oo booqasho ku tagaya magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka

Sabti, July, 21, 2018 (HOL) – Ra’iisal
wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa lagu wadaa in 30 bishan July booqasho
rasmi ah uu ku tago magaalada Minneapolis gobolka Minnesota ee dalka
Mareykanka.
Abiy Ahmed ayaa safarkiisa waxaa
iimanaya xili dhinaca kale uu jiro cadaadis lagu saarayo in uu si deg deg ah u
fara-galiyo colaada qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada oo saameyn weyn ku
yeelatay guud ahaan marka la eego xasiloonida iyo nabada deegaannada ay wada degaa labada qowmiyadood.
Magaalada Minneapolis waxaa ku
dhaqan tirada ugu badan dadka Soomaalida iyo Oromada ee ku nool guud ahaan
marka la eego dalka Mareykanka, taasoo ka dhigeysa safarka Abiy Ahmed ee
Minneapolis mid muhiimad gaar ah u leh labada dhinac-ba, isaga oo arki doona
jaalada labada Qowmiyadood.
Cabdi Warsame oo ah xubin ka
tirsan Golaha deegaanka ee magaalada Minneapolis ayaa sheegay in lagu
marti-qaaday ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed in 30ka bishan July uu
booqasho ku tago magaalada Minneapolis.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
diini@hiiiraan.com