Khamiis, July, 19, 2018 (HOL) – Ra’iisal
Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo maanta
magaalada Lusaka ee dalka Zambia uga qayb galay kulan madaxeedka 20-aad ee
wadamada ku bohoobay Suuqa Bariga iyo Koonfurta Africa (COMESA) ayaa saxiixay
xubinnimada Soomaaliya ee suuqaasi.
Madaxda ka qayb gashay kulan madaxeedka ayaa ugu
hambalyeeyay Ra’iisul Wasaare Khayre ku-biiridda Soomaaliya ee suuqa Bariga iyo
Koofurta Africa, iyaga oo u ballan qaaday in ay babar istaagayaan dadaallada
Soomaaliya ay dib ugu soo ceshanayso maqaamkii ay ku lahayd adduunka.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhankiisa
u hambalyeeyay xoghahaya cusub ee loo doortay in ay hogaamiso COMESA, Ms.
Chileshe Kapwepwe oo xilka kala wareegtay xoghayihii hore Mr. Sindiso Ngwenya.
Suuqa Bariga iyo Koofurta Afrika (COMESA) oo
la’aasaasay December 8, 1994 ayaa dhiiirri geliya koboca dhaqaalaha gobalka
iyada oo loo marayo ganacsi iyo maal gashi, waxa ayna ku biiritaanka Soomaaliya
kaabaysaa qorshayaasha lagu dardargelinayo koboca iyo horumarinta dhaqaalaha
dalka.
Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare khayre iyo wafdiga
uu hoggaaminayo ayaa la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Zambia waxa
uuna ku dhiirri geliyay in ay ka qayb qaataan qorshaha horumarinta dalka.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]