Gobolka Banaadir oo laga hirgeliyey Xafiiska Amniga heer Gobol
Isniin, July, 16, 2018 (HOL) – Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ah-na
Ku-xigeenkiisa ee Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur
ayaa xarigga ka jaray xafiiska Amniga Gobolka Banaadir oo qeyb ka ah
qorsheyaasha ku qotoma dhammeystirka qaab-dhismeedka Amniga Qaranka.
Guddoomiye Xuseen ayaa sheegay in maamulka
Gobolka Banaadir oo fulinaya qodobbadii ka soo baxay Shirkii Amniga Qaranka
Baydhabo ee 3-ilaa 5ta bisha Juun ay dhankooda hirgeliyeen xafiiskan oo kaalin
mugleh ka qaadan doona is-dhex galka siyaasadaha la xiriira arrimaha amniga qaran
ee heer gobol iyo heer Federaal.
“Xafiiskan waxaa uu masuul ka yahay isku xirka
iyo isku duwidda howlaha ciidamada iyo guud ahaan shaqooyinka lagu xaqiijinayo
amniga Qaran oo qorshuhu yahay in istaraatiijiyadda mideysan ee Dawladda
Federaalka Soomaaliya, Dowladda Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka
Banaadir ay si joogta ah isu dhaafsadaan, ugana wada shaqeeyaan.”ayuu yiri
Guddoomiye Xusseen.
Sidoo kale, Ku-simaha Guddoomiyaha ayaa kula
dardaarmay Xubnaha Amniga Gobolka Banaadir in ay ka miro-dhaliyaan hiigsiyada
ku aaddan xasilinta amniga gobolka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa wada
shaqeynta kala dhaxeysa bulshada.
“Shacabka Muqdisho iyo guud ahaan Gobolka
Banaadir waxa ay laf-dhabar u yihiin qorshayaasha lagu sugayo amniga, sidaas
darteed waxaan rajeynaynaa in xafiiskan uu kor u qaado wada shaqeynta ka
dhaxaysa bulshada iyo laamaha ammaanka si looga hor tago dhagarta argagixisadu
ay u maleegayaan dadka Soomaaliyeed.”
Furitaanka Xafiiska Amniga Gobolka Banaadir waxaa
ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo
dib-u-heshiisiita Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Ciidamada Booliska
Gobolka Banaadir, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xasilinta Gobolka Banaadir (SAMA)
iyo Taliyaha Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]