Shirkii Gacan Libaax oo Columbus laga Taageeray
Isniin, July, 16, 2018 (HOL) – Jaaliyadda Somaliland ee Mareykanka ayaa taageero buuxda u muujiyay
shirka aayo ka tashiga ee dhawaan ka dhacay deegaanka Gacan libaax
Shirkan oo ay Beelaha Garxajis ee Soomaaliland isugu yimaadeen ayaa
ujeedadadiisa lagu sheegay raadinta xal waara iyo nabad ku wada noolaansho laga
hirgaliyo Somaliland iyada oo la marayo hanaan awood qeybsi siman oo ay
yeeshaan dhamaan dadka dega halkaasi.
Jaaliyadda Somaliland ee Mareykanka ayaa ka walaacsan xaalada
siyaasadeed ee dalkooda iyo hadii aan la helin isku tanaasul ay caqabad ku
noqon karto Somaliland horusocodkeeda.
Aqoonayahankii ka hadlay shirka Columbus waxa ay cadeeyeen in Shirkii
ka dhacay gacan Libaax aanu ahayn mid lagu duminayo ama lagu wiiqayo Somaliland
balse u yahay mid lagu dajinayo xalna looga gaarayo mushkiladaha taagan.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayay ugu baaqeen in uu ka
faaiideysto fursada uu haysto oo ah in uu dadka isku soo dhaweeyo isla markaana
tago deegaanada ay xiisaduhu ka jiraan.
Waxay ka codsadeen in uu la yimaado siyaasad furfuran oo dadka oo dhan
harsan karaan una sameeyo turiimo shacabka iyo dalka si ay u helaan wixii ay
mudo ku taamayeen.
Waxaa jira xubno ka kala yimid gobolo fog fog oo mareykanka ah si ay
qeyb uga noqdaan is-badalka dalkooda loo raadinayo.
Shirka Gacan Libaax oo noqday mid soo jiitay indhaha dad baddan waxaa
ku kulmay Beelaha Garxajis oo ka shirayay sida ay sheegeen jaha wareer
siyaasadeed oo dalka soo wajahay.
Gabi ahaan dadkii ka hadlay ayaa ahaa kuwo aad u taageersanaa shirkaasi
iyo qodobadii ka soo baxay.
Deeqo SONNA