Axad, July, 15, 2018 (HOL)- Waxaa goor dhaw soo dhamaatay cayaar aad u weyn oo siweyn isha loogu wadda hayay lugtii ugu danbeysa tartanka cayaaraha Kubadda Cagta Aduunka.
Xulka Faransiiska ayaa ku guuleystay markii labaad koobka adduunka kaddib markii uu uga badiyay xulka Croatia 4-2 ciyaartii kama dambaysta ahayd ee goor dhow lagu soo gabagabeeyay magaalada Moscow ee dalka Ruushka.
Sanadkii 1998dii ayay xulka Faransiiska markii ugu horeysay ku guuleystay koobka adduunka iyadoo tababaraha xulka Faransiiska ee xilligan Didier Deschamps uu ahaa kabtankii labaatan sano kahor hogaaminayay xulka Faransiiska.
Xulka Croatia ayaa dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta daqiiqadii 69-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Mario Mandzukic kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/4.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online [email protected]