Al-shabaab oo ku hanjabtay in ay ka hortagi doonto danaha Itoobiya ee Dekeddaha Soomaaliya
Arbaco, July, 11. 2018 (HOL) – Al-shabaab
oo markii ugu horeysay ka hadashay heshiiskii ay dhawaan gaareen
hogaamiyayaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku saabsanaa maalgashiga dekeddaha
ayaa sheegtay in ay ka hortagi doonaan wax ay ku tilmaameen sida ay hadalka u dhigeen damaca Itoobiya.
Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo
lagu magacaabo Mahad Kaarateey oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan
aqabali doonin in Itoobiya ay isticmaalaan dekeddaha Soomaaliya, gaar ahaan
dekedda Hobyo.
Waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay qarniyo
ka hor la dagaalamayeen Itoobiya, si ay uga hortagaan damaceeda guracan ee ahaa
inay qabsato dhulka Soomaaliyeed.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in heshiiska dekedaha
lagu siiyay Itoobiya iyo hadalkii ka soo yeeray Abiy Ahmed ee ahaa in
Soomaaliya iyo Itoobiya la mideyn doono uu yahay qorshe deggan oo ay qasab
tahay in hoggaamiyeyaasha Itoobiya ay hirgeliyaan xoog ama xeelad midey doonaan
haku keenaan.
Waxaa uu sheegay in Itoobiya ay in muddo si hoose
ugu howlaneyd qorshaha la wareegitaanka Dekedaha, isla markaana ay jirto waddo
laga soo bixiyay gudaha Itoobiya, lana doonayo in la soo geliyo Dekeda Hobyo oo
uu xusay inay ka mid tahay dekedaha lagu wareejiyay Itoobiya, balse ay
Mujaadihiinta ka hortageen oo lagu joojiyay nawaaxiga Caabud-Wwaaq, sida uu
yiri.
Mahad Karateey ayaa sheegay in madaxda Soomaalida
ee Baasaboorada shisheeye wata ay leeyihiin halistooda, una soo shaqo tagay
sidii ay dhulka iyo badda Soomaaliyeed uga iibsan lahaayeen Itoobiya iyo Kenya
sida uu hadalka u dhigay.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in haddii aysan
dadka Soomaaliyeed baraarugun Caasimadda Itoobiya laga dhigi doono Muqdisho,
sida caasimadda Yuhuudda looga dhigay Qudus, waxaana uu tilmaamay in aanay
marnaba aqbali doonin in taako ka mid ah dhulka Soomaaliya lagu wareejiyo
Itoobiya.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]