Ciyaarahii Todobaadka Soomaalida ee Minnesota oo shalay ka Furmay Jaamacada St Thomas ee Mag. St Paul
Sabti, July, 01, 2018 (HOL)
– Ciyaaraha Todobaadka
Soomaalida ayaa shalay si rasmi ah uga furmay Magaaladda Minneapolis ,
ciyaarahaan ayaa waxaa ka qayb galaya 24
kooxood oo ka kala yimi gobolada
Maraykanka iyo Canada.
Madaxa
Ciyaarahaan soo qabanqaabinayey naadiga West Banka, Tababare Axmed Ismaaciil ayaa HOL u sheegay
inay ugu talagaleen ciyaarahaan inay is dhexgal uga sameeyaan dhalinyarada
Soomaaliyeed ee ku kala nool goboladda dalkaan Maraykanka dhexdoodana ka abuurno walaalnimo, iyagoo aan isku keeno
todobaadka Soomaalidu meel ay jooganba ay xusaan 26 Juun iyo 1 Luuliyo ah
maalmihii xoriyada Dalkeena waana barnaamij aan joogteen doono iyadoo sanadkaan
uu yahay kii 3aad ee aan qabanaayo ayuu yiri axmed Ismaaciil.
Ciyaartii ugu adkeed ee shalay dhacday
ayaa dhexmartay Kooxaha TC Starts oo Minnesota ka dhisan iyo Kentucky United
waxaana ay ku dhamaatay barbar dhac 1 iyo 1
Ciyaartii kale ee xiisaha laheed ayaa
aheed koox ka timi Vancuver Canada oo 2 iyo 0 ugu awood sheegatay kooxda Iowa oo gool la’aan garoonka kala hoyatay.
Ciyaartii Shalay dhexmartay Kooxaha TC stars iyo Kentacky ayaa waxaa loo dhigay Koob lagu Xusaayey Gudoomiyahii hore ee Isboortiga Minnesota Cabdi Cali oo dhawaan ku geeryooday Kenya waxaana Koobkii rigoore ku qaatay kooxdii Kentacky, walow ay ciyaartii caadiga aheed ee tartanka barbar dhac ay Tahay.
Ciyaarahaan ayaa ka socon doona
Jaamacada St Thomas oo ku yaal Magaalada St Paul ilaa Maalinta bishaan
Luuliyo ay tahay 7 oo la soo gabagabeen doono.
Siyad Said Salah
Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis MN