4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 5 , 2018
Mareykanka oo Liiska Argagixisada ku daray hogaamiye sare oo ka tirsan Al-shabaab

 

Jimco, Janaayo, 05, 2018 (HOL) – Dowladda Mareykanka ayaa Liiska Argagixisada ku dartay Saddex ruux oo uu ka mid yahay Abuukar Cali Aadan oo la sheegay in uu yahay ku-xigeenka hogaamiyaha Al-shabaab.

Ragga Liiska Argagixisada lagu daray ayaa ku kula sugan Yemen, Soomaaliya iyo Waqooyiga qaarada Afrika.

Wanas Al-Faqih iyo Muhammad Al-Ghazali ayaa lagu eedeeyey iney weerarro halis ah ka geysteen dalalka Tunisia iyo Yemen.

Warbixin ay daabacday Wakaalada wararka ee Reuters sanadkii 2010 oo laga diyaariyey saraakiisha Al-shabaab ayaa waxaa ku jiray Abuukar Cali Aadan, isagoo xilligaas lagu sheegay Amiirka Al-shabaab ee xadka Soomaaliya iyo Kenya, waxaana isla sannadkaas la ogaaday in loo magacaabay Amiirkii Al-shabaab ee Magaalada Kismaayo oo xiligaas gacanta ugu jirtay.

Inkastoo uu ka mid ahaa saraakiisha Al-shabaab ee Koonfurta Soomaaliya ayaa haddana dhinaca kale 2014 Abuukar  la sheegay in uu ku biiray hoggaamiyaasha sare ee Al-Shabaab.

Maraykanka ayaa horey liiska argagxisada ugu daray masuuliyiin ka tirsan Al-shabaab oo qaarkood uu qaarajiyey iyo qaar weli nool oo la u gaarsanayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]