4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 5 , 2018
Askari ka tirsan AMISOM oo ku dhintay Qarax ka dhacay degmada Buula-burte

 

Jimco, Janaayo, 05, 2018 (HOL) – Askari ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa dhintay Labo Askari kale oo ka tirsan ciidamada dowladdana waa ay ku dhaawacmeen kaddib Qarax ka dhacay Garoonka diyaaradaha degmada Buula-burte.

Dadka ku sugan degmada Buula-burte oo la hadlay Hiiraan Online ayaa sheegay Qarax oo ka dhashay miino dhulka lagu Aasay uu ku dhintay Askari ka tirsanaa ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, sidoo kale Qaraxa waxaa ku dhaawacmay Labo Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda.

Marar badan oo hore ayaa sidoo kale Qaraxyo ka dhacay degmada waxaa ku dhintay  ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]