Jimco, Janaayo, 05, 2018 (HOL) – Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho
ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha iyo
dib-u-heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye.
Waxaa soo dhaweyntiisa qeyb ka ahaa
Wasiiro ka tirsan Xukuumadda oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Warfaafinta
C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow), Wasiirka Isgaarsiinta Cabdi Cashur,
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqidsho Thaabit Cabdi Maxamed iyo
xubno kale.
Wasiirka cusub ee Wasaaradda
arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka mahad ecliyay soo dhaweynta loo
sameeyay, isaga oo sheegay in ay jiraan wax yaabo badan oo ay ka filanayaan
bulshada Soomaaliyeed, isaga oo Alle ka baryay in uu u fududeeyo xilka cusub ee
loo magacaabay.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Khamiistii xilalka ka qaaday
saddex oo ka tirsanaa Xukuumadiisa, wuxuuna magacaabay Saddex Wasiir oo uu ka
mid yahay Wasiirka maanta Muqidsho soo gaaray.
Isbadalka kooban ee lagu sameeyay
xukuumadda ayaa u muuqda mid dowladda ku dardargalineyso howlaha culus ee hor
yaala gaar ahaan wax ka qabashada Amniga gudaha iyadoo ay jirto mucaaradad
xooggan oo dowladda ka soo food saareysa siyaasiyiin iyo xildhibaanno.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]