4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 5 , 2018
Maxamed Saalax oo noqday Cayaaryahanka ugu fiican Africa

 

Jimco, Janaayo, 05, 2018 (HOL)–Weeraryahanka u cayaara kooxda Liverpool ee Maxamed Saalax ayaa loo magacaabay ciyaaryahanka ugu wanaagsan Africa.

Abaalmarintan oo ay u tartamayeen dhowr ciyaartoy oo afrikaan ah ayaa aaqirkii waxaa ku guulaystay Maxamed Saalax oo horyaalka England ka dhaliyay 23 gool.

Waxaa sidoo kale tartanka kula jiray Sadio Mane oo ay ka wada dheelaan kooxda Liverpool iyo rag kale oo caan ah.

Waxaa lambarka sadaxaad galay Pierre-Emerick oo kooxda Borussia Dormund u ciyaara.

Maxamed Saalax ayaa xulka qaranka ee dalkiisa u suurtogaliyay inay u soo gudbaan tartanka koobka aduunka ee dalka Ruushka ka dhacaya sanadkan.

Maxamed Saalax ayaa kooxda Liverpool waxay kasoo iibsatay kooxda Roma ee dalka Talyaaniga.

Dhinaca gabdhaha waxaa ciyaaryahanada ugu fiican loo aqoonsaday Asisat Oshoala oo dalka Nigeria u dhalatay.

Gabadhan ayaa u ciyaarta kooxda Nigeria ka dhisan, waxay dumarka kula dardaarantay inay dariiqeeda raacaan.

Waxaa sidoo kale dadweynaha fursad loo siiyay inay codkooda ka dhiibtaan tartanka abaalmarinta ahaa.

Weeraryahanka dalka Masar u dhashay ayaa sanadkii hore waxay BBC-da u aqoonsatay ciyaaryahanka ugu wanaagsan Afrika

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]