4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 5 , 2018
Eng Yariisoow : Waxaan ku dhawnahay in nalaga cafiyo deymaha

 

Jimco, Janaayo, 05, 2018 (HOL) – Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa sheegay in Xukuumadda ay u hirgashay in ay hagaajiso Maamulka iyo Maaliyadda, islamarkaana Worl Bank uu kalsooni siiyay Maamulka Maaliyadda.

Wuxuu sheegay sanooyinkii hore dowladihii jiray in ay dhib aheyd sidii xiriirkaas lagu abuuray, balse maanta xiriirkaas la wanaajiyay, la hagaajiyay, dowladduna ay qarka u saaran tahay in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.

Eng. Yariisow ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay isku tashadaan, oo ay bixiyaan canshuuraha, si Dowladdu ay ula tartanto wadamada caalamka, isaga oo tusaale u soo qaatay wadamada Deeqaha siiya Soomaaliya in ay ka soo uruuriyaan shacabkooda.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in ay jiraan wadamo aad nooga tira yar oo ay ka mid yihiin Norway, Denmark, Findland, in ay sharaf daro tahay in dadkooda oo naga yar ay na siiyaan Deeqo, inaga oo ka dad badan, kana wax soo saar badan.

Hadalkan ayuu C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka sheegay xilli uu ka qeyb galay Munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka Wasaaradda Maaliyadda mudadii ay jirtay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]