4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 5 , 2018
Soomaalida ku dhaqan magaalada Nazareth ee dalka Itoobiya oo ka cabanaya weerarro ay ku hayaan Oromada

 

Jimco, Janaayo, 05, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaaya dalka Itoobiaya ayaa sheegaya in ay sii kordhayaan weerarada ay Qowmiyadda Oromada ay ku bartilmaameedsanayso bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Dalkaasi.

Soomaalida ku dhaqan magaaladda Nazareth oo 100km u jirta magaalada Addis Ababa ayaa ka cabanaya weerarro ay ku hayaan dhalinyaro ka soo soo jeeda Qowmiyada Oromada oo bartilmaameedsanaya dadka Soomaalida ah.

Dad badan ayaa lagu soo waramayaa in Gurya-hooda ay ka cararreen oo ay u baxsadeeen magaalada Addis Ababa, halka qaar kaloo badanna ku xayiran yihiin Guryaha iyaga oo ka cabsi qaba wax yeelo soo gaarta.

Dadka Oromada ah oo weerarada soo qaadaya ayaa la sheegay in ay ku hareereysan yihiin Guryaha,ay degan yihiin Soomaalida dadku waxaa ay la’yihiin qaab ay uga baxsadaan weerarradaasi.

Bilihii ugu dambeeyey waxaa jiray xisado u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada dalkaasi Itoobiya,iyadoo dhowr jeer mas’uuliyiinta dalkaasi ay sheegeen in xal laga gaari doono dhibaatooyinkaasi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]